Shaqooyinka Victoria (Jobs Victoria)
Jobs Victoria waxay taageertaa dadka shaqo doonka ah waxayna ka caawisaa milkiileyaasha loo shaqeeyo inay helaan shaqaalaha ay u baahan yihiin.
Waxaad kula kulmi kartaa khabiir ku takhasusay shaqooyinka Victoria goob adiga kuu dhow. Waxaan sidoo kale ku bixinaa caawimaad, macluumaad iyo talo Khadka internet ka iyo taleefanka.
Adeegyada Jobs Victoria ee loogu talagalay dadka shaqo raadiska ah
Ma waxaad raadinaysaa shaqo? Adeegyadan bilaashka ah ayaa ku caawin kara.
U doodayaasha (advocates) Jobs Victoria
U doodaha (advocate) Jobs Victoria ayaa kaa caawin kara shaqo raadintaada. Qofka kuu doodaya wuxuu awoodi karaa:
- inuu kaa caawiyo sidii aad ku heli lahayd taageerada, tababarka ama waxbarashada aad u baahan tahay si aad shaqo u hesho
- inuu kaa caawiyo inaad shaqo ka raadsato xarunta internetka ee Jobs Victoria
- la wadaagista macluumaadka ku saabsan sida shaqo loo helo
- inuu kugu xiro adeegyada kale sida taageerada guriyaynta ama latalinta.
Si aad ula hadashid qof kuu dooda, wac khadka tooska ah ee Jobs Victoria 1300 208 575 ama isticmaal khariiraddayada si aad u hesho u doode kuugu dhow.
Dadka Wax Haga (mentors) ee Jobs Victoria
Dadka wax haga (mentors) isla markaasna talooyinka bixiya ee Jobs Victoria waxay caawiyaan dadka shaqo doonka ahaa muddo dheer. Waxay kaloo caawiyaan dadka la kulma caqabadaha ku adkeynaya inay shaqo helaan. Hagaha ayaa:
- kaa caawin inaad u diyaargarowdo shaqada
- kaa caawin kara in laguu sameeyo resume si aad codsatid shaqooyin
- kaa caawin kara inaad u diyaargarowdo waraysiga shaqada
- ku siin kara taageero lixda bilood ee ugu horreeya shaqada cusub.
Si aad ula hadashid qof ku haga (Mentor), wac khadka tooska ah ee Jobs Victoria 1300 208 575 ama isticmaal khariiraddayada si aad u hesho Hagaha (Mentor) kuugu dhow.
La-taliyayaasha Xirfadda (Career Counsellor) ee Jobs Victoria
La-taliyayaasha Xirfadda (career counsellors) ee Jobs Victoria waxay caawiyaan dadka shaqo raadiska ah, u baahan shaqo dheeraad ah ama doonaya inay beddelaan xirfadahooda. La-taliye xirfadeed ayaa:
- kaa caawin kara inaad qorsheysatid xirfadaada
- kaa caawin doona inaad fahantid xirfadahaaga iyo meelaha aad ku fiican tahay
- kaa caawin doona diyaarinta codsiyada shaqada
- kugu xiri kara adeegyada kale ee taageerada shaqada.
Waxaad kula kulmi kartaa La-taliye Xirfad (career counsellor) meel kuu dhow ama waxaad ballan ka qabsan kartaa Khadka online-ka ama taleefanka. Wac 1800 967 909 si aad ballan ula qabsato La-taliye Xirfadeed.
Xarunta internetka ee Jobs Victoria
Xarunta internetka ee Jobs Victoria waa adeeg bilaash ah oo aad shaqo ka raadsan kartid.
Si aad shaqo u raadiso halkan guji.
Si aad u codsato shaqooyinka, waxaad u baahan tahay inaad isdiiwaangelisid. Diiwaangelintu waa mid fudud oo degdeg ah. Halkan iska diwaangeli
Markaad iska diiwaan geliso xarunta internetka ka dib, waxaad heli doontaa ogeysiisyo
ku saabsan shaqooyin cusub oo ku habboon danahaaga iyo goobtaada.
Khadka tooska ah (hotline) ee Jobs Victoria
Haddii aad u baahan tahay caawimo shaqo raadin ama aad qabtid su'aal ku saabsan adeegyada Jobs Victoria, wac khadka tooska ah ee Jobs Victoria 1300 208 575 (9-ka subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo, Isniinta ilaa Jimcaha).
Adeegyada loogu talagalay ganacsiyada ee Jobs Victoria
Xarunta internet ka ee Jobs Victoria
Xarunta internetka ee Jobs Victoria waa adeeg lacag la'aan ah halkaas oo ganacsiyadu ay ka raadin karaan shaqaale isla markaasna kusoo dhajin karaan wixii boos shaqo ah ee bannaan. Riix halkan si aad u diiwaan geliso ganacsigaaga oo aad u bilowdo raadinta shaqaale.
Taageerada shaqaale-raadinta
Jobs Victoria Partners ayaa ka caawin kara ganacsigaaga sidii uu shaqaale u heli lahaa. Si aad u heshid taageero shaqaale-raadin (recruitment support) lacag la’aan ah, hel Jobs Victoria Partner kuu dhow:
- ka raadi Jobs Victoria Partner khariirada shuraakada (partners map)
- wac khadka tooska ah ee Jobs Victoria 1300 208 575 ama iimayl ugu dir info@jobs.vic.gov.au
Jobs Victoria Partners waxay ku taageeri karaan shaqaalahaaga cusub tababar iyo hagitaan, si loo hubiyo inay si habsami leh ula qabsadaan goobtaada shaqada.
Khadka tooska ah (hotline) ee Jobs Victoria
Haddii aad u baahan tahay caawimo ah helitaanka shaqaale ama aad qabtid su'aal ku saabsan adeegyada Jobs Victoria, wac khadka tooska ah ee Jobs Victoria 1300 208 575 (9-ka subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo, Isniinta ilaa Jimcaha)
Adeegyada turjubaanka
Haddii aad u baahan tahay turjubaan:
- Ka wac khadka tooska ah ee Jobs Victoria 1300 208 575 (9-ka subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo, Isniinta ilaa Jimcaha) waxaanu kugu xiri doonaa Translating and Interpreting Service National (TIS).
- Ama ka wac TIS 131 450 waxayna kuu wici doonaan khadkayaga.