Lady on laptop

Haddii aad shaqo ka raadinayso Victoria, Jobs Victoria ayaa kaa caawin kara.

Waxaan bixinaa adeegyo kala duwan iyo taageero si dadka looga caawiyo inay helaan shaqooyin iyo fursado tababar, ayadoo toos laguula kulmayo, ama khadka internet ka iyo sidoo kale khadka taleefanka.

Marka qof caadi kuu qaabilayo

Qareenada xafiiskeena shaqooyinka Victoria, dhiirigaliyeyaasheena iyo La taliyayaasha Xirfada ayaa kaa caawin kara inaad hesho ama aad u diyaar garowdo shaqo waxayna kuu gudbin karaan taageero iyo macluumaad dheeri ah. Ka hel taageero deegaankaaga.

Khadka taleefanka

Ka hel talo iyo macluumaad luqaddaada ah adoo wacaya khadka tooska ah ee Jobs Victoria 1300 208 575.

Khadka internet ka

Iska diiwaangeli fursadaha shaqo ee Dallada online ka ee Jobs Victoria. Waxaad ka heli kartaa tilmaamo ku aadan is diiwaangalinta boggan.

Sida laisaga diiwaan geliyo fursadaha shaqo ee dallada internetka ee 'Jobs Victoria'

1. Is diiwaangali

Booqo websaydhka jobs.vic.gov.au/findwork

Xullo meesha ku qoran tahay 'I’m looking for work'

Guji ama ku dhufo meesha eey ku qoran tahay ‘Apply for work’

Tani waxay ku geyn doontaa xarunta dallada internetka ee Jobs Victoria.

2. Sameyso ama furo akoon.

Gali faahfaahintaada, oo ay ku jiraan telefoonka saxda ah iyo emaylka.

Dooro meesha eey ku qoran tahay ‘Start registration’.Dooro meesha eey ku qoran tahay ‘Start registration’.

3. Wax nooga sheeg xuquuqdaada shaqo

Waxaad ubaahantahay xuquuqda shaqo ee Australiya inaad xaq u yeelato.

Haddii aad visa ku joogtid, hubi in saacadaha laguu ogol yahay shaqada eey xaddidan (kooban) yihiin.

Waad noo sheegi kartaa inta saacadood ee usbuucii aad shaqeyn karto, iyo muddada aad shaqo raadineysay.

4. Taariikhdaada shaqo iyo aqoontaada

Halkan waa fursad aad ku ugu soo bandhi karto xirfadahaaga iyo waayo-aragnimadaada shaqo-bixiyeyaasha mustaqbalka.

Ku qor faahfaahin inta ugu badan ee aad kari karto si aad u xaqiijiso in laguugu xiro dhammaan shaqooyinka adiga kugu habboon.

Xulo heerkaaga waxbarasho. Waxaa lagaa codsan karaa inaad soo galisid faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shahaadooyinkaaga.

Qor shaqooyinka aad soo qabatay oo dhan, oo ay ku jiraan nooca shaqada iyo meesha (industry) ga lagu tiriyo oo eey ka mid tahay. Tusaale ahaan waxaad tix raacda meesha eey ku qoran tahay ‘Common roles’.

Guji ‘Add experience’ si aad ugu darto shaqooyin hore Ku dar shaqooyin badan iyo warshado intii karaankaaga ah - tani waxay ka caawineysaa kuwa dadka shaqaaleysiiya inay arkaan dhammaan khibradahaaga waxayna kordhinaysaa kala duwanaanta fursadaha shaqo ee lagugu aadin doono.

Waxa kale oo aad sheegan kartaa haddii aad xiiseyneyso inaad ka shaqeyso shaqooyin aadan horay uga soo shaqeyn.

5. Kala duwanaanta iyo ka qeybgalinta

Wax nooga sheeg shaqsiyadaada iyo taariikhdaada. Tani waxay naga caawineysaa inaan waxbadan ka fahamno cidda Jobs Victoria ay taageereyso si loo hubiyo inaan bixinno macluumaadka iyo adeegyada loo baahan yahay.

Ma aha inaad ka jawaabto su'aalahan. Haddii aad sameyso, wixii faahfaahin ah ee aad bixiso waxay noqoyaan qarsoodi oo lalama wadaagi doono dadka loo shaqeeyo.

6. Codsigaaga waa la helay

Markaad buuxiso foomka, farriin ayaa xaqiijin doonta in dalabkaaga la helay.

Waxaan kuu soo diri doonnaa emayl markii akoonkaaga uu diyaar u yahay in la isticmaalo.

Markaa kadib waxaad bilaabi kartaa inaad ka fiirsato kana codsato shaqooyinka.