Lady on laptop

Haddii aad shaqo ka raadinayso Victoria, Jobs Victoria ayaa kaa caawin kara.

Shaqo ma raadineysaa? Ka raadi oo ka xareyso shaqooyinka xarunta internetka ee Shaqooyinka Victoria (Jobs Victoria).

Xarunteena internetka waa adeeg lacag la’aan ah oo aad shaqo ka raadsan karto.

Hadda is-diiwaangeli

Hadda raadi

Ka hel shaqooyin kuu dhow.

Is diwaangeli si aad shaqo u codsato

Si aad u xareysatid shaqooyinka xarunta internetka, waxaad u baahan tahay inaad is diiwaan geliso. Waa hab fudud oo aad u baahan doonto inaad bixisid tafaasiisha shakhsi ahaaneed iyo xidhiidhka aasaasiga ah.

Hadda is-diiwaangali

Hel ogeysiisyada shaqada

Markaad iska diiwaan geliso xarunta internetka ka dib, waxaad heli doontaa ogeysiisyo ku saabsan shaqooyinka cusub ee ku habboon danahaaga iyo goobtaada.

Miyaan xaq u leeyahay?

Xarunta internetka ee Jobs Victoria waa lacag la’aan waxaana heli kara qof kasta oo shaqo raadis ah, oo ay ku jiraan ardayda dibeda.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xarunta internetka

Shaqooyin noocee ah ayaan ka heli karaa xarunta internetka?

Nooc kasta, laga bilaabo heerka qofka shaqada ku cusub tahay ilaa jagooyinka sare ilaa tababarro lacag la isku siiyo. Waxaa jira shaqooyin ah meelo badan oo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha, martigelinta, taageerada naafada, jardiinooyinka iyo meelaha madadaalada, dawladda, shaqaalaha, caafimaadka, gaadiidka, tima jaraha iyo is-qurxinta, suuqgeynta iyo munaasabadaha, tafaariiqda, IT, baabuurta, iibka iyo qaar kale oo badan.

Miyaan u baahanahay inaan is diiwaan geliyo si aan shaqooyin u raadsado?

Qof kastaa wuxuu shaqooyin ka raadsan karaa xarunta internetka. Si aad shaqo u codsato, waxaad u baahan doontaa inaad is-diiwaangalisid.

Maka raadsan karaa shaqooyin qalabkayga gacanta?

Haa App-ka 'Sidekicker' haddii aad soo dejisatid waxaad gali kartaa barta internet isla markaasna waxaad shaqo ka raadsan kartaa moobaylkaaga.

Maxaa dhacaya markaan is diiwaan geliyo?

  1. Akoon adigu aad leedahay oo ah xurun onlaynka ah ayaa la samayn doonaa. Waxaad gali kartaa akoonkaaga wakhti kasta, si aad u baadho oo aad u codsato shaqooyinka isla mar ahaan taasna aad u cusboonaysiiso akhbaartaada (profile).
  2. Waxaa kuu bilaaban doonta inaad heshid ogeysiis iimayl ah oo ku saabsan fursadaha shaqo ee ku habboon goobtaada iyo meelaha aad xiiseyneyso.

Waa maxay profile-kayga oo ma cusbooneysiin karaa?

Akoonkaaga xarunta internetka waxaa qeyb ka ah astaan gaar ah (a personal profile),
taas oo ah waxa dadka loo shaqeeyo arkaan marka aad codsato shaqooyinka. Profile-kaagu waa sida resume online ah. Waxaad ku cusbooneysiin kartaa wixii faahfaahin ah ee ku saabsan naftaada iyo khibradaada shaqo.

Ma heli doonaa wargelin marka shaqooyin cusub la soo dhejiyo?

Markaad iska diiwaan geliso xarunta internetka ka dib, waxaa kuu bilaaban doonta inaad hesho ogeysiisyada iimaylka marka shaqooyin cusub la soo dhejiyo. Haddii aad soo dejiso barnaamijka 'Sidekicker' waxaad ogeysiisyo toos ah ku heli kartaa taleefankaaga.

Waa maxay taageerada kale ee Jobs Victoria ay siiso dadka shaqo doonka ah?

Jobs Victoria waxay siisaa taageero shaqsiyeysan dadka reer Victoria ee shaqo raadiska ah iyadoo taasna ay ka helayaan kooxdeena wax U ololeysa, Hagayaasha iyo La-taliyayaasha Dhinaca Shaqooyinka.

Halkeen ka heli karaa taageero farsamo?

Haddii ay xarunta internet ka kaa haysato arrimo dhanka farsamada (technical) ah fadlan la xidhiidh:

support@sidekicker.com.au ama 1800 882 694

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo isticmaalka xarunta internetka fadlan wac Khadka Jobs Victoria 1300 208 575.