Couple

Dallada Internet ka ee shaqooyinka Victoria

Dallada internet ka ee shaqooyinka Australia waxay ku xirtaa dadka shaqo doonka ah ee diyaarka u ah inay shaqeeyaan kuwa shaqooyinka bixiya ee doonaya shaqaale maxalli ah, shaqaale shaqo u diyaarsan.

Waan kaala shaqeyn karnaa si aad u aqoonsato baahiyahaaga ganacsi waxaana kaa caawin karnaa inaad ka hesho dad ku nool guud ahaan Victoria oo leh xirfado iyo khibrad sax ah.

Badhanka is diiwaangalinta

Badhanka galitaanka

Sidee bay u shaqaysaa?

Waad iska diiwaangalin kartaa si aad ugu xayeysiisato barta Daladda internet ka shaqooyinka ku socda shaqaalaha xirfada leh.

Shaqooyinku waa inay ahaadaan:

  • sida caadada ah ugu yaraan saddex bilood, laakiin sidoo kale shaqooyinka doorarka xilliyeed kala duwan ee muddada-gaaban waa la xayaysiin karaa
  • kuwo mushaarkooda lagu bixiyo heerka ugu hooseeya, ama mushaarka weebsaaytka, labadaas hadba kan sarreeya.

Iyada oo loo marayo dhanka Dallada Internet ka waxaad sameyn kartaa:

  • shaqooyin ayaad soo dhajin kartaa
  • waxaad sameyn kartaa kala soocitaanka u horreeya
  • waxaad ka xulan kartaa liiska dhameystiran ee kuwa codsanaya ama waxaad heli kartaa liis kooban.

Sideen ku bilaabaa?

Buuxi foomka diiwaangelinta –  adoo ku buuxinaya macluumaadka lagaala soo xiriiri karo iyo faahfaahinta ganacsiga

Marka diiwaangelintaada la hawlgeliyo:

  1. Waan kula soo xiriiri doonaa si aan kaala hadalno fursadaha la heli karo iyo in aan gacan ka geysano sameynta akoonkaaga.
  2. Waad u sameyn kartaa astaanta shirkaddaada astaan u gooni ah, muuqaalka guud iyo xiriiriyeyaasha websaydhkaaga.
  3. Waxaad markaas bilaabi kartaa kusoo dhajinta shaqooyinka bogga dallada.

Ma u baahan tahay caawimaad farsamo?

Caawinta farsamada ee dallada internet ka waxaa bixiya Sidekicker: support@sidekicker.com.au ma wac 1800 882 694.

Waxa kale oo jira  maqaallo waxtar u leh kuwa wax shaqaaleysiiya oo ka hadlaya bilaabista, sida loo dhajiyo shaqo iyo sida loo maareeyo fursadaha shaqo.

Maxaa kale oo taageero ah oo la heli karaa?

Marka laga soo tago dallada internet ka, Jobs Victoria waxeey kale oo eey bixisaa adeegyo ku habboon si loo taageero laisuguna xiro dadka shaqo raadiska ah iyo kuwa raadinaya shaqaale u shaqeeya.

Jobs Victoria Employment Network (JVEN) waa waxqabadka ugu weyn ee Dowlada Fiktooriya looguna tala galay in looga caawiyo dadka reer Fiktooriya caqabadaha hortaagan dhanka shaqo siinta. Adeegyada waxaa bixiya khuburo shaqo oo si dhow ula shaqeeya dadka wax shaqaaleysiiya si loo aqoonsado fursadaha shaqo looguna diyaariyo doorkaas dadka shaqo doonka ah.

Jobs Victoria iyo shabakadeena aan isla howl galno ayaa kaa caawin doona diiwaangalintaada iyada oo aan wax lacag ah laga qaadi doonin ganacsigaaga. Waan:

  • kula shaqeyn doona si aad u ogaatid xirfadaha iyo khibrada saxda ah ee ganacsigaaga u baahan yahay
  • soo saari doona musharixiinta ku habboon ee u dhigma baahiyahan
  • siin doona dadka la xushay ee shaqo doonka ah sidii loogu diyaarin lahaa shaqaalaynta oo ay ka mid noqon karaan tababar xirfadeed, xirfad sare iyo la talin.

Waxaan sidoo kale siin karnaa taageero shaqaale kasta oo cusub ka dib markay bilaabaan shaqada, si aan uga caawino inaan hubino inay si habsami leh ula wareegaan goobtaada shaqada.

Nala soo xiriir si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida aan u caawin karno ganacsigaaga.

Waxa kale oo aad ka heli kartaa Jobs Victoria Partner aaggaaga.