Couple

Kusoo dheji shaqooyinka barta internetka

Ma raadineysaa shaqaale? Hadda isdiiwaangeli si aad usoo dhejisid boosaska shaqo ee bannaan oo aad ula xiriirtid musharrixiinta.

Is-diiwaangali

Soo gal (login)

Xarunta internetka ee Jobs Victoria waa adeeg bilaash ah oo isku xidha dadka loo shaqeeyo (employers) iyo dadka shaqo doonka ah. Waxaad soo dhajin kartaa boosaska banaan ee shaqada, dib u eegis ku sameyn kartaa codsiyada lana xiriiri kartaa musharaxiinta.

Markaad isdiiwaangeliso, xubin ka tirsan kooxda Jobs Victoria ayaa kula soo xidhiidhi doonta si wax badan looga ogaado ganacsigaaga. Waxaan kaa caawin doonaa inaad sameysato akoonkaaga waxaana ku tusi doonaa sida ugu wanaagsan ee xarunta internetka ay u dabooli karto baahidaada ku aadan shaqaale-qorista.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xarunta internetka

Sideen u diiwaan gashan karaa ganacsigayga?

Ganacsi kasta oo Victoria ku yaal ama milkiilaha loo shaqeeyo ayaa iska diiwaan gelin kara xarunta internetka. Waa nidaam sahlan oo aad u baahan tahay inaad nala wadaagto xiriirka aasaasiga ah iyo faahfaahinta ganacsiga.

Maxaa dhacaya markaan diiwaan geliyo ganacsigayga?

Markaad isdiiwaangeliso kabacdi:

  1. Waan kula soo xiriiri doonnaa si aan u hubinno in akoonkaaga loo sameeyay qaab ka turjumaya baahiyahaaga shaqaaleysiinta.
  2. Waxaad ku sameyn kartaa akhbaarta shirkadda (company profile) oo leh sumad, dulmar iyo xiriiriye (link) website kaaga ah.
  3. Waxaad bilaabi kartaa inaad kusoo dhejiso shaqooyinka xarunta internetka oo aad heshid codsiyada musharaxiinta.

Shaqooyin noocee ah ayaan ku dhejin karaa barta internetka?

Dhammaan noocyada kala duwan ee shaqooyinka waxaa lagu dhejin karaa xarunta internetka. Shaqooyinka waa inay yihiin kuwo lacagta lagu shaqeeynayo tahay heerka
abaal-marinta (award rate), ama heerka goobta (site rate), hadba kii badan.

Maxaa kale oo aan ka qabsan karaa xarunta internetka?

Adoo u maraya xarunta internetka waxaad awoodi kartaa:

  • inaad soo dhajisid boosaska shaqo
  • inaad sameeysid baaritaanka bilowga (initial screening) ah
  • ka dooratid liiska buuxa ee codsadayaasha shaqo doonka ah ama aad heshid liis kooban.

Halkee ka heli karaa taageero farsamo?

Caawinta farsamada ee xarunta internetka waxaa bixiya Sidekicker.

Iimayl kusoo dir support@sidekicker.com.au ama wac 1800 882 694.

Waa maxay taageerada shaqaale-raadinta kale ee loo heli karo milkiilaha loo shaqeeyo?

Jobs Victoria waxay taageertaa ganacsiyada waxayna kugu xidhi kartaa shaqaalaha ganacsigaagu u baahan yahay:

  • Jobs Victoria Partners waxay kugu xidhi kartaa musharixiinta leh xirfadaha iyo sifooyinka baahiyahaaga ganacsi.